Tiknoolajiyada raadraaca GPS-ka waxa ay noqotay mid meel walba ku jirta nolol maalmeedkeena, laga bilaabo khariidadaha ku jira talefanka casriga ah ilaa nidaamyada isu socodka baabuurteena.Â
Si kastaba ha ahaatee, wadayaasha wada taksiyada sida dhaweeyaha waxay uga faa’iidaysan karaan tignoolajiyadan habab la yaab leh marki laga reebo iney tilmaam ahaan u isticmaalaan. Waa kuwan qaar ka mid ah siyaabaha la yaabka leh ee GPS-track-ku ay uga faa’iidaysan karaan wadayaasha wada taksiyada sida dhaweeyaha si ay kor ugu qaadaan adeegga ey macaamiishooda u qabanayaan iyo faa’iidadooda:
Inaad Kafogaadid goobaha jaamka ah:
Mid ka mid ah faa’iidooyinka muhiimka ah ee raadraaca GPS-ka ee uu uleeyahay wadayaasha wada taksiyada ayaa ah inuu awood u leeyahay inuu ku siiyo wadooyin ugu dhaw ee aad ka bixi karto hadii jidadka waa weyn ey noqdaan jaam. Tiknooloojiyada GPS-ka sida app ka Gaadiid Dhowr., waxa uu ku tusinayaa wadooyinka ugu dhaw ee ad ka bixi karto hadii aad jaam la kulanto si waqtigaga uusan kaga qasaarin.
Darawal si aad u hubiso in rakaabkaada uu helay adeeg hufan, oo wax ku ool ah oo degdeg ah, kaas oo gacan ka geysan kara inaad heshid qiimeynta shanta-xiddig hada ba telkaga yuusan kamaqnaan app ka Gaadiid Dhowr.
Inaad si nabad ah ku safarto:
Dabagalka GPS-ku waxa kale oo uu darawallada ka caawin karaa la socodka habdhaqankooda wadista iyo in ay si badbaado leh u wadaan baabuurtooda.
Qalabka GPS-ka, wadayaasha wada taksiyada waxay la socon karaan dhacdooyinka dhaq-dhaqaaqa kedis ka ah, xawaaraha, ama dabeecadaha kale ee gardarrada ah ee khatar gelin kara badbaadada rakaabka iyo darawallada kale. Dabagalka GPS-ku wuxuu yarayn karaa suurtagalnimada shilalka, arrimaha sharciga, iyo sidoo kale qarashaadka kaaga bixi lahaay hadii ad shil gasho.
Ilaalinta Darawalka:
Faa’iidada kale ee la yaabka leh ee raadraaca GPS-ka ee uu uleeyahay wadayaasha wada taksiyada in Qalabka GPS-ka uu uhay ilaaliye lasocda darawalka iyo macaamiisha ba.
wadayaasha iyo rakaabkuba waxay ku sugan yihiin jawi ammaan ah maadaama ay u oggolaanayso wadayaasha inay la socdaan halka ay ku sugan yihiin.
Intaa waxaa dheer, xogta GPS-ku waxay caawin kartaa haddii ay dhacdo xatooyo baabuur ama xaalado kale oo aan la filayn, in dib loosoo ceshan karo baaburki maadaama la ogaan karo xogta goobta uu ku sugan yahay gaariga.
Dhisidda sumcadda
Ugu dambeyntii, wadayaasha wada taksiyada hadii ey isticmaalaan tignoolajiyada raadraaca GPS-ka waxay dhisi karaan astaan wadis, badbaadado iyo hufnaanta, taasoo kor u qaadaysa sumcadda ay ku dhex leeyihiin wadayaasha.
Sababtoo ah Nidaamyada teknoolojiyadda horumarsan sida raadraaca GPS-ka hadii uu darawalka isticmaalayo waxey muujineysa in darawalkaas ay ka go’an tahay in uu macaamiishisa ugu adeego si hufan, la isku halleyn karo oona amaan ah maadama uu qofka rakaabka uusan wax wal wal ah ka qabi doonin inuu la kulmo cabsi dhinaca wadooyinka ah.
Ugu danbeyn
tignoolajiyada raadraaca GPS-ku waa qalab qiimo leh oo loogu talagalay wadayaasha wada gaadiidka, maadaama ay u oggolaanayso inay hagaajiyaan waddooyinkooda, maamulaan xisaabtooda, kuna socdaan si ammaan ah, oo ay dhistaan sumcad wanaagsan oo leh hufnaan iyo isku hallayn dheeraad ah. Iyagoo ka dhigaya dhaqamadan qayb ka mid ah hawlahooda, wadayaasha wada taksiyada waxay ka faa’iidaysan karaan faa’iidooyinka la yaabka leh ee tignoolajiyada raadraaca GPS, taasoo u horseedaysa rakaab faraxsan, adeeg hufan, iyo iney kordhiyaan dakhligooda.